Greenhouse ka bilaa biraha – Wooden Greenhouse

Published date:

July 16, 2023

Post category


Sharixid nooca Greenhouse-yadan

Greenhouse yadan waxaa afka qalaad loo yaqaanaa Low tech Greenhouse ama wooden Greenhouse, waa nooc lagu dhiso Qoryaha ama Alwaaxyada markaa dalka aad joogto laga heli karo si loo dhiso Greenhouse Qiimo jaban ku kacaya. Guribeereed ama Greenhouse waa Beer dhisan oo cimilada laga xifdiyay sida Qoraxda toos ka roobka, cayoyaanka, lana beeri karo sanadkii oo dhan 12 bilood ba. Maqaalkan waxaynu kusoo bandhigaynaa qaabkaad u hirgelin kartid Greenhouse yada bilaa biraha ah, Cabiradooda, qalabka aad u baahantahay iyo qiyaad dhirta lagu beeri karo.

Xidhmada Qalab ee Greenhouse-yadan

Si aad mashruucan u hirgeliso waxaan dalka usoo dhoofinaa qalab dhamaystiran oo aas aas u ah Beeraha greenhouse-yada nooceeda, waxaan usoo iibinaa macaamiisha dadka sare ee beerta oo ah Shade Net ama shabaga korka laga saaro Greenhouse sidoo kale Polythene Bacda Greenhouse lagu dado. Dabcan beerta marka Qoryaha loo taago waxaa loo baahanyahay dadka sare markaa cabir kasta dadkii ku filnaa ayaan usoo iibinaa. Sidoo kale waxaa raaca waraabka dhibic dhibicda ( Drip Irrigation ) waxaan usoo raacinaa Tuubooyinka iyo qalabkooda isku xidha ee beerta lagu waraabinayo, waxaa sidoo kale aan raacinaa caagaga ama tareeeyada qudaarta loogu beero ee iniinyaha lagu koriyo oo beerta qaybta nursery xanaanada lagu diyaariyo, waxaan kaloo raacinaa Maqasyada dhirta loogu talogalay ee beeraha iyo xadhkaha dhirta lagu qabto ee Greenhouse yada.

Sawiro Beer Greenhouse bilaa Biro ah oo nin dhalinyaro hirgeliyay

Beer Greenhouse bilaa biro
Beer Greenhouse bilaa biro 2
Beer Greenhouse bilaa biro 3

Qiimaha iyo Cabirada Greenhouse bilaa biro ah aan idiin hayno

Cabirka koowaad 10×24

Cabirkan waa 10 meter oo wajahada balac ah iyo 24 meter oo dherer ah, Greenhouse kan waxaa qalab la socda Dadka sare oo shabag ah Net, Drip irragation waraabka dhibicda ah, Greenhouse ropes xadhka Greenhouse Maqasyada iwm. Waxaa qiyaasta greenhoue kan lagu beeri karaa 800 geed oo Yaanyo/Tamaandho ah. Qiimaha uu wadanka ku imaan karo waa $1250.

Cabirka labaad 10×30

Cabirkan waa 10 meter oo wajahada balac ah iyo 30 meter oo dherer ah, Greenhouse kan waxaa qalab la socda Dadka sare oo shabag ah Net, Drip irragation waraabka dhibicda ah, Greenhouse ropes xadhka Greenhouse Maqasyada iwm. Waxaa qiyaasta greenhoue kan lagu beeri karaa 1200 geed oo Yaanyo/Tamaandho ah. Qiimaha uu wadanka ku imaan karo waa $1600.

Cabirka Sadexaad 10×40

Cabirkan waa 10 meter oo wajahada balac ah iyo 40 meter oo dherer ah, Greenhouse kan waxaa qalab la socda Dadka sare oo shabag ah Net, Drip irragation waraabka dhibicda ah, Greenhouse ropes xadhka Greenhouse Maqasyada iwm. Waxaa qiyaasta greenhoue kan lagu beeri karaa 1400 geed oo Yaanyo/Tamaandho ah. Qiimaha uu wadanka ku imaan karo waa $1750.

Gunaanad

Guribeereed waa mashaariicda ugu faa’idada badan ee dhanka Ganacsiyada waxsoosaarka beeraha la xidhiidha halka Greenhouse anaa dhowr ton oo qudaar ah soo saari kara mudada la beerayo hadii sifiican loo maamulo. Hirgelinta Greenhouse yadu qalabo badan ayay u baahanyihiin oo kamid yihiin Mashiinka biyaha u sifeeya, Iniinyaha dhirta seeds ka, Pump ka beerta lagu buufiyo clip yada qudaarta lagu qabto iyo qaar kaloo badan. Hadaad dhamaan Greenhouse Biraha lagu dhiso iyo qalabka aad rabto fadlan dokumentigan iibso oo ka tixraac sidoo kale wixii dalab ah Whatsapp kan nagala soo xidhiidh. 00905528257930