Hal hektar, shan ganacsi oo isku xidhan, iyo qorshe ku tusaya sida loo gaadho dakhli saafi ah oo $2,000 ka badan bishii.
Hagahan 60-ka bog ah waa qorshe-ganacsi (feasibility study) Af-Soomaali ah oo ku salaysan qiimaha suuqyada Soomaaliya. Wuxuu kuu sheegayaa inta mashruuc kasta ku kacayo, waxa uu soo saarayo, iyo dakhliga laga filayo, ka hor intaadan lacag ku bixin.
- Naqshadda dhulka 1 hektar: meesha mashruuc kasta galayo iyo cabbirkiisa
- Kharashka bilowga ee mashruuc kasta oo qodob-qodob loo qoray
- Qorshe 90 maalmood ah oo tallaabo-tallaabo ah
- Lambarada shirkadaha qalabka, abuurka iyo daawada xoolaha
Hal mar ayaad bixinaysaa. PDF-ka isla markiiba waad soo dejisanaysaa, waana kuu yahay weligaa.
Ma adigaa qofkan?
- Waxaad rabtaa inaad beeraha ama xoolaha maalgashato, laakiin ma garanaysid meel aad ka bilowdo.
- Ma ogid kharashka dhabta ah ee mashruuc ku baxaya iyo faa’iidada uu soo celinayo.
- Qurbaha ayaad joogtaa, waxaadna u baahan tahay xog aad ku go’aan qaadato adigoo meel fog jooga.
- Waxaad ka baqaysaa inaad lacagtaada ku waayo mashruuc aan qorshe lahayn.
Hagahan wuxuu kuu caddaynayaa tirooyinka marka hore, si go’aankaagu ugu dhisnaado xisaab, ee uusan ugu dhisnaan mala-awaal.
Shanta ganacsi ee hagaha ku jira
- Calafka Super Napier (7,200 m²): qiyaastii 320 kiish oo 50 kg ah bishii, dakhli guud oo $3,200 ah
- 2 Greenhouse oo yaanyo ah (8 × 40 m): qiyaastii 5,300 kg bishii, dakhli guud oo $3,710 ah
- 500 digaag oo ukun dhal ah (ISA Brown): 460 sanduuq bishii, dakhli guud oo $2,070 ah
- Naaxinta 30 neef oo ido ah: dakhli guud oo $1,860 ah wareeg kasta, faa’iido qiyaastii $510 ah
- 5 hal oo caano ah: 30 litir maalintii, dakhli guud oo $900 ah bishii
Tirooyinkani waa dakhliga guud (gross income). Hagahu wuxuu mashruuc kasta kuu tusayaa kharashka laga jarayo iyo faa’iidada saafiga ah ee ka hadhaysa.
Qorshaha 90-ka maalmood
- Maalmaha 1–30: dooro dhulka, hubi biyaha, samee naqshadda beerta, dalbana qalabka iyo abuurka.
- Maalmaha 31–60: dhis Greenhouse-yada iyo xeryaha xoolaha, rakib waraabka drip-ka, beerna Super Napier iyo yaanyada.
- Maalmaha 61–90: keen xoolaha iyo digaagga, bilow wax-soo-saarka, heshiisna la gal iibsadayaasha.
Hagahan waxaa loogu talagalay
- Maalgashadayaasha qurbaha ee raba inay dalka wax ka maalgashadaan
- Ganacsatada raadinaya il dakhli oo cusub
- Beeraleyda raba inay beertooda casriyeeyaan
- Dhallinyarada doonaya inay beer eber ka bilaabaan
Haddii aad raadinayso hab aad si degdeg ah ugu taajirto, hagahan kuuma habboona. Wuxuu u qoran yahay qof diyaar u ah inuu qorshe raaco.
“Qaybta calafka xoolaha ee Super Napier ayaa iigu cajaa’ib badnayd. Waa xog aan in badan raadinayay oo si fudud oo la fahmi karo loo qoray.”
Maxamed Jaamac, beeraley, Afgooye
Caawimaad ma u baahan tahay hirgelinta?
Zakariye iyo kooxda Somleaf Agri Services waxay kaa caawin karaan qiimaynta dhulkaaga, rakibidda Greenhouse-ka iyo waraabka, iyo helitaanka qalab tayo leh. Marka aad hagaha akhrido, ballan la-talin ah qabso.
Qiimaha caadiga ah waa $60, hadda waa $50. Tirooyinka hagaha waa qiyaas ku salaysan qiimaha suuqa 2026; dakhligaagu wuxuu ku xidhnaan doonaa deegaanka iyo sida mashruuca loo maamulo.

